HOME|CHATROOM|HEESO|MAQAALO|SUBAC REER ARLAADII|QUR'AN|TAFSIIR|CONTACT
 

Ciidamada Itoobiyaanka oo sugaya amaanka Baladweyne.

Baladweyn''12-may-2008(Arlaadiimedia)Wararka laga helayo magaalada Baladweyne oo ah arunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiyaanka ay sugayaan, xilli gudoomiyaha cusub ee gobolka la filaayo in manta halkaasi gaaro.

 

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiyaanka ay degeen labada Buundo, xarunta mamaulka gobolka iyo saldhiga ciidamada booliiska.

 

Xaalada magaalada ayaa saakay lagu soo waramayaa in ay tahay mid degen, mana jiraan wax rabashado ah oo saakay ka dhacay magaalada.

 

Waxaan weli howl gelin xafiisyadii gobolka ee maamulka dowlada federaalka, iyada oo tan iyo markii maamulkii hore ay halkaasi ka baxeen xafiisyada albaabada la isugu dhuftay.

 

 

Xafiiska wararka Arlaadii.net ee Muqdisho

webmaster@arlaadii.net

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

© Copyright 2007. Arlaadii Design by Ahmed Moalim Garwale.