HOME|CHATROOM|HEESO|MAQAALO|SUBAC REER ARLAADII|QUR'AN|TAFSIIR|CONTACT
 

Baydhabo oo saakay degen.

Baydhabo''12-may-2008(Arlaadiimedia)Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo oo ah xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in magaaladaasi ay saakay degen tahay.

 

Wararka ayaa sheegaya in socodkii dadka iyo kan ganacsiga ay si wanaagsan iminka u socdaan, iyada oo labaduba ay saameyn xoogan ku yeesheen rabshado shalay halkaasi ka dhacay.

 

Inkastoo manta aysan ahayn maalintii ciidamada Itoobiyaanka ay biyaha dhaansan jireen, taasi oo saameyn ku yeelan jirtay ganacsiga magaalada ayay hadana wararku sheegayaan in dadka weli ay ka cabsi qabaan in rabshado kale ay magaalada ka dhacaan.

 

Magaalada Baydhabo ayaa noqotay meel ay ka dhacaan qaraxyo, tacshiirado iyo rabshado kale oo ka dhan ah ciidamada Itoobiyaanka iyo dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed.

 

 

Xafiiska wararka Arlaadii.net ee Baydhabi janaay

webmaster@arlaadii.net

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

© Copyright 2007. Arlaadii Design by Ahmed Moalim Garwale.