Dabo-geed:
Baladweyn“12-may-2008(Arlaadiimedia)Ah
ahah ah, wax hub ah oo la igala wareegay ma
jirto, Ciidamada Itoobiyana lagama dhaxeyso
in aan hub iska xoogno” sidaasi waxa yiri
Yuusuf Axmed Hagar (Dabo-Geed), gudoomiyihii
hore ee gobolka Hiiraan.

“Idaacadaha
xag jirk ah ayaa faafinaya warka ah in hubka
Itoobiyaanka igala wareegeen” ayuu yiri Dabo-geed.

Dabo-geed
ayaa sheegay in gaadiidkiisii dagaalka oo uu
sheegay in maamulka Hiiraan ay leeyihiin ay
wada shaqeynayaan ciidamada Itoobiyaanka.

Wuxuu ku
adkeystay in uu weli yahay gudoomiyaha
gobolka, isaga oo sheegay in aan xilkaasi
laga qaadi Karin.

Hadalkan ka
soo yeeray Dabo-Geed ayaa ku soo beegmaya,
iyada oo gudoomiyaha cusub ee gobolka loo
soo magacaabay la filaayo in manta
Baladweyne uu gaaro.