|
Baydhabo''Qorshe
Ismaamul Goboleed loogu sameynayo Ilaa Lix Gobol oo ku yaal Koonfurta
Soomaaliya ayaa ka socda Magaalada Baydhabo.
Baydhabo''12-may-2008(Arlaadiimedia)Waxaa si
xoogan Magaalada Baydhabo uga soconaya qorshayaal balaaran oo lagu
doonayo in Ilaa Lix gobol Ismaamul Goboleed loogu dhiso.

Qorshahan siyaasadeed ayaa waxaa wada Xildhibaanada ka soo jeeda Ilaa
Lix Gobol oo ku yaala Koonfur Soomaaliya, kuwaasoo doonaya in ay dib
usoo nooleeyeen Maamul Goboleedkii Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Magaalada Baydhabo oo ay shalay kulan xasaasi ah ku yeesheen 100 ruux oo
ka soo jeeda Beelaha Digil & Mirifle ayay kaga hadleen arrimo dhowr ah
oo ay ku jirto sidii ay isu cafin lahaayeen, isla markaana ugu midoobi
lahaayeen dhismaha Maamul Goboleedkaas.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa uu sheegay in
loo baahan yahay in dib loo soo nooleeyo Dowlad goboleedkii Koonfur
Galbeed mar uu ka qeyb galay Kulan ay yeesheen Xildhibaanada ka soo
jeeda Lix Gobol.

Gobolada Baay, Bakool, Jubada Hoose, Jubada Dhexe iyo Sh/Hoose ayaa la
sheegay in la doonayo in maamul loogu dhawaaqo, kaasoo loogu magac
darayo Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo horay madax uga
ahaan jiray Shaati Gaduud oo hada ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka.

Xildhibaanada ka soo jeeda Goboladaas ayaa doonaya in si meesha looga
saaro is jiid jiidka Maamulada in Goboladaas loo sameeyo hal hogaan oo
isku dhaf ah.
Xafiiska
wararka Arlaadii.net ee Baydhabi janaay
webmaster@arlaadii.net
|