HOME|CHATROOM|HEESO|MAQAALO|SUBAC REER ARLAADII|QUR'AN|TAFSIIR|CONTACT
 

Jabuuti''Xubno ka socda ururka Islaamka oo Jabuuti u imaanaya arrimaha Soomaaliya.

Muqdisho''10-may-2008(Arlaadiimedia)Wararka ka imaanaya dalka Jabuuti ayaa sheegaya in wafdi ka socda ururka Islaamka ay dhawaan soo gaari doonaan halkaasi si ay ugu soo biiraan xubnaha dadaalka ugu jira xal u helida arrimaha Soomaaliya.

Wafdigan ayaa la filayaa in uu ku soo biiro dalalka dadaalka ugu jira sidii loo soo afjari lahaa arinta Soomaaliya oo beesha caalamka ay iminka si weyn u daneyneyso xal laga gaaro arrimaha Soomaaliya.

Sidoo kale wafdigan ayaa waxaa uu dowladda Jabuuti kala hadli doonaa muranka dhuleed ee u dhaxeeya Jabuuti iyo Erateriya oo qarka u saaran ciidamada labada dhinac gacan ka hadal, waxaana iminka dalka Jabuuti ku sugan wafdi ka socda Jaamacadda Carabta oo dhex dhexaadinayo labada Dowladood.

Wafdigaasi ayaa waxaa hoggaaminaya Samiir Xusni oo Jaamacadda Carabta u qaabilsan arrimaha Afrika waxayna maanta la kulmeen Wasiirka Arimaha Dibada Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo ay kala hadleen arrimaha muranka dhuleed ee Erateriya iyo Jabuuti.

 

Xafiiska wararka Arlaadii.net ee Muqdisho

webmaster@arlaadii.net

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

© Copyright 2007. Arlaadii Design by Ahmed Moalim Garwale.