HOME|CHATROOM|HEESO|MAQAALO|SUBAC REER ARLAADII|QUR'AN|TAFSIIR|CONTACT
 

Qunsulka Safaarada Somalia ee Ruushka oo si weyn loogu soo dhoweeyay Mosko.

Mosco''8-may-2008(Arlaadiimedia)Qunsulka cusub ee safaarada ay Soomaaliya ku leedahay dalka Ruushka ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Mosko, kadib markii dhowaan diplomaasiyiin ka howl galaya safaarada Somalia ay halkaasi tageen.

Wararka ayaa sheegaya in Qunsulka oo lagu magacaabo Prof: C/laahi Axmed Qudde ay halkaasi ku soo dhoweeyaan mas'uuliyiin ka tirsan dowlada Ruushka, Jaaliyada SOomaalida halkaasi ku dhaqan iyo diblomaasiyiin ka soctay safaarada dowladaha ay Soomaaliya Saaxiibka yihiin ee Mosko.

Jaaliyada Soomaalida ayaa xaflad weyn ugu sameysay Mosko Qulsulka, iyada oo xubnaha halkaasi ku soo dhoweeyay uu ka mid ahaa gudoomiyaha jaaliyada Soomaalida ee Ruushka Maxamed Xasan Macoow.

Qunsulka oo Maanta ka warbixin sida loogu soo dhoweeyay magaalada Mosko oo uu ka howl geli doono ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay sidii diiraneyd ee dowlada Ruushka ay u qaabishay waraaqihii lagu magacaabay, isla mar ahaantaasina ay u muujiyeen in ay wada shaqeyn dhex marto.

Qunsulka waxa uu sheegay in howsha ugu horeysa ay qaban doonaan ay tahay sidii loo wanaajin lahaa xiriirka ka dhaxeeya dowlada Somalia iyo tan Ruushka oo horey u ahaa labo dowladood oo saaxiibo ah.

Wuxuu sheegay in ay qaban doonaan barnaamijyo wax weyn ka tari doono sidii Soomaalida ku dhaqan dalka Ruushka ay gacan uga geysan lahaayeen dib u dhiska dalka iyo wax soo saarkaba.

 

Xafiiska wararka Arlaadii.net ee Muqdisho

webmaster@arlaadii.net

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

© Copyright 2007. Arlaadii Design by Ahmed Moalim Garwale.