Moshin ka
dhan ah xukuumada Nuur CAdde oo xildhibaano
ay diyaarinayaan.
Baydhabo''8-may-2008(arlaadiimedia)Waxaa
soconaya diyaarinta moshin ka dhan ra'iisal
wasaaraha dowlada federaalka kmg-ka
SOomaaliyeed oo ay wadaan xildhibaano ka
tirsan golaha baarlamaanka federaalka kmg-ka
Soomalaiyeed.

Xildhibaanadan oo kulamo xoogan ka wada
magaalada Baydhabo ayaa ku eedeynaya
xukuumada ra'iisal wasaare Nuur CAdde in wax
qabad la'aan, iyaga oo dhinaca kalena
sheegay in jawaabihii ra'iisal wasaaraha ay
noqon waayeen kuwa lagu qanci karo oo
faah-faahsan.

Cali C/laahi
Cosoble oo ka mid ah xildhibaanada iminka
dhaq-dhaqaaqa ka wada Baydhabo ayaa sheegay
in moshinkooda ay xoojin doonaan.

SI kastaba,
golaha baarlamaanka federaalka kmg-ka
SOomaaliyeed ayaa u yeeray ra'iisal
wasaaraha, ayaga oo su'aalo weydiiyay,
kuwaasi oo uu ka jawaabay ra'iisal wasaaraha.

Hadaba
waxaan la ogeyn sida moshinkan u dhaqan geli
karo, xilli dhowaan la filaayo in ay wada
hadaladii loo balansanaa ay isugu yimaadaan
dowlada iyo kooxaha ka horjeeda.