Taliyihii
ciidamada Maxaakiimta Hiiraan oo geeriyoodey.
Baladweyn''8-may-2008(Arlaadiimedia)Wararka
laga helayo magaalada Baladweyne oo ah
xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in uu
geeriyoodey taliyihii ciidamada maxaakiimta
ee gobolka Hiiraan.

Wararka
ayaa sheegaya in taliyaha uu dhaawac ka soo
gaaray dagaal shalay dhex maray ciidamo ka
tirsan kuwa Itoobiya iyo kooxaha ka horjeeda
dowlada federaalka kmg-ka SOomaaliyeed.

Wararka
waxa ay leeyihiin dhaawacii soo gaaray
taliyaha ayaa sababay in uu xalay u
geeriyoodo, sida ay xaqiijiyeen xubno ka mid
ah maxaakiimta.

Taliyaha
ayaa lagu magacaabi jiray Amiin Daacad,
wuxuuna ahaa nin si weyn uga soo horjeeday
ciidamada Itoobiyaanka iyo dowlada
federaalka kmg-ka SOomaaliyeed.

Warar kale
ayaa sheegaya in ay jiri karaan xubno kale
oo saraakiisha ka mid ah oo dhaawacyo ay soo
gaareen.