Baydhabo oo Caawa
Cabsi iyo Bandoow ku hoyaneysa.
Baydhabo''8-may-2008(Arlaadiimedia)Wararka
laga helayo magaalada Baydhabo oo ah xarunta
gobolka Baay ayaa sheegaya in caawa
magaalada ay gashay cabsi, iyada oo socodka
dadka shacabka ah uu yahay mid magaalada ku
yar saacadahan.

Wararka waxa
ay leeyihiin wadooyinka xaafadaha iyo kuwa
waa weyn ee magaalada waxaa iminka lagu
arkayaa ciidamo ka tirsan booliiska Baydhabo
oo amaanka sugaya.

Goor hore oo
Caawa ah ayaa lagu soo waramayaa in uu
joogsadey socodka dadka shacabka ah.

Arrintan ayaa
ku soo beegantay iyada oo caawa Afhayeenka
Al-Shabaab uu digniin u jeediyay shacabka
reer bay oo uu ugu baaqey in ay ka fogaadeen
goobaha ciidamada Itoobiyaanka iyo dolwadaba
ay ku sugan yihiin.

Sidoo kale,
arrinatan waxa ay ku soo beegmeysaa xilli
kooxaha ka horjeeda dowlada ay qarax kula
beegsadeen saraakiil muhiim ah duleedka
baydhabo.

Waxaa jirta
cabsi ku aadan in caawa falal ka imaanaya
kooxaha dowlada ay ka dhacaan halkaasi.
Faah-Faahin Dheeri
ah oo ka soo baxaysa
qaraxyadii
|