HOME

CHATROOM HEESO MAQAALO   SUBAC REER ARLAADII QUR'AN TAFSIIR CONTACT
 

Subax
Duhur
Habeen

04:00-04:30

11:00-11:10
14:00-15:00
18:00-18:30

 
 
 
 

 

Xubnaha Isbahaysiga dib u xoreynta oo ka qeyb galaya saakay wejiga sedexaad ee siminaanka Jabuuti.

Wararka laga helayo magaalada Jabuuti oo ah xarunta dalka Jabuuti ayaa sheegaya in xubnihii isbahaysiga dib u xoreynta ay ka qeyb galeen siminaarkii loo qabanayay dhinacyada dowlada federaalka iyo mucaaradka.

                                                  (Riix halkaan)5.6.2008

Xaalada Agagaarka Tarabuunka oo iminka degen.

Waxaa degen xaalada agagaarka tarabuunka ee magaalada, Muqdisho kadib markii saakay ay ka dhaceen iska hor imaadyo.

                                                  (Riix halkaan)5.6.2008

Dhamaan Safiirada Shisheeye oo laga saaray siminaarka dhinacyada is haya Jabuuti uga socda.

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaalada Jabuuti, kooxaha ku shiraya halkaasi ayaa go’aan ku gaaray kulamadooda aaney ka qeyb gelin safiirada shisheeye.

                                                  (Riix halkaan)5.6.2008

Meydad si kala gaar gaar ah loogu arkey meelo Muqdisho ka mid ah.

Meydadka dad la sheegay in ay rayid ahaayeen ayaa si kala gaar gaar ah saakay loogu arkey meelo ka mid ah magaalada Muqdisho.

                                                  (Riix halkaan)5.6.2008

Gudoomiyaha Baarlamaanka:” Ma jiraan wax mushaar ah oo iminka lo ohayo baarlamaanka”

Gudoonka golaha baarlamaanka federaalka kmg-ka Soomaaliyeed ayaa sheegay in aysan jirin wax dhaqaale ah oo loohayo mudanayaasha baarlamaanka, xilli dhaq-dhaqaaqyo ay wadaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka.

                                                  (Riix halkaan)5.6.2008

Maxamed Dheere: “In dadka wax ha doortaan la yiraahdo waa waxa aan raadiney nay, Yaaba heli kara, Aanaga shaqaalaheena ayaaba nagu filan oo toban kun kor u dhaafaya, marka Soomali oo dhanna waa ku tashan nahay in ay na doortaan.

Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), gudoomiyaha gobolka gobolka Banaadir ayaa ka Hadley, isla markaasna raalin gelin ka bixiyay eedeyn uga timid, qaar ka mid ah beelaha SOomaaliyeed.

                                                  (Riix halkaan)4.6.2008

Muqdisho''Afhayeenkii Midowga Ganacsatada Gobolka Banaadir oo lagu dilay Muqdisho

Kooxo aan la garaneyn ayaa goor dhow toogasho ku dilay afhayeenkii Guddiga Ganacsatada Gobolka Banaadir Cabbaas Maxamed Ducaale iyo darawalkiisa.

                                                  (Riix halkaan)3.6.2008

Baydhabo''Maliishiyo ka tirsan kooxaha u adeega argagixisada caalamiga oo dagaal kula wareegay xerada Manaas ee gobolka Baay kadibna kacarareen markii ay maqleyn ciidamo dowladda oo kusoo fol leh.

Dagaal saakay waaberigii ay ku soo qaadeen maliishiyooyinka kooxaha u adeega argagixisada caalamiga  xerada Manaas ee ku taal gobolka Baay, halkaasi oo ay la wareegeen gacan ku heynta xeradaasi mar ala marki ay maqleyn in ciidamo dowladda ay  kasoo dhaqaaqeyn magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ay iskaga carareen goobtaasi .

                                                  (Riix halkaan)3.6.2008

Baydhabo: Sarkaal hay’ada UNDP ka tirsanaa oo Baydhabo lagu dhaawacay.

Wararka laga helayo magaalada Baydhabo oo ah xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in saakay waaberigii halkaasi lagu dhaawacay sarkaal ka tirsanaa hay’adaha Qaramada Midoobay. mardhawna loo magacaabay Agaasimaha Guud Wasaarada  Arimaha Dibada qeybta Bariga dhexe.

                                                  (Riix halkaan)2.6.2008

Qaramada Midoobay oo isbahaysiga iyo dowlada kulan kula qaadaneysa Jabuuti.

Waxaa manta la filayaa magaalada Jabuuti in uu ka dhaco kulan ay labada dhinac ee isbahaysiga iyo dowlada la qaataan Wafdi ka socda Qaramada Midoobay.

                                                  (Riix halkaan)2.6.2008

Itoobiyaanka oo xalay howl gal ka sameeyay agagaarka Kuliyada Jaale Siyaad.

Ciidamada Itoobiya ayaa xalay howl gal ka sameeyay agagaarka Kuuliyadii hore ee Jaale siyaad, xilli Habeen hore weerar lagu qaadey halkaasi.

                                                  (Riix halkaan)2.6.2008

Guddoomiyaha Jaaliyada Digil & Mirifle ee kudhaqan dalka Kuwait Eng. Abubakar Macalin Garwaal oo si kulul uweeraray kanadigay waxyaabaha ay kawadaan Gobolada Baay&Bakool&Sh/hoose nimanka isku magacaabay Al-Shabaab oo u adeega argagixisada caalamiga.

Shir jaraa'id uu ku qabtay Magaalada Kuwait guddoomiyaha Jaaliyada Digil &Mirifle ee kudhaqan dalka Kuwait Eng.Garwaal ayaa kahadlay wax yaabaha ay kawaaan Gobolada Baay & Bakool & SH/hoose nimanka isku magacaabay Al-Shabaab uu hogaamiyo ninka lagu magacaabo Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur  ee u adeega argagixisada caalamiga.

                                                  (Riix halkaan)1.6.2008

Shariif Xasan iyo Sheekh Shariif oo ka guuray Hoteelkii ay degenaayeen, markii wafdiga Madaxweynaha lala dejiyay.

Sheekh Shariif SheekhAxmed iyo Shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa ka guuray Hoteelkii laga dejiyay magaalada Jabuuti, kadib markii lala dejiyay madaxweynaha dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed, Col: C/laahi Yuusuf Axmed.

                                                  (Riix halkaan)1.6.2008

Kooxaha ka horjeeda dowlada oo caawa weerar ku qaadey saldhiga Galbeed.

Kooxo hubeysan oo ka mid ah xoogaga ka horjeeda dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed ayaa caawa weerar ku qaadey saldhiga galbeed ee degmada Dharkeynley, gobolka Banaadir.

                                                  (Riix halkaan)1.6.2008

Wadada km4 oo saakay xiran.

Waxaa saakay xiran dhamaan wadooyinka soo gala km4, magaalada Muqdisho, iyada oo aan la ogeyn sababta keentay in wadooyinkaasi ay xirmaan.

                                                  (Riix halkaan)1.6.2008

Kulamo Gaar gaar ah oo xalay Jabuuti ka socdey.
Wararka laga helayo magaalada Djabuti ee dalka Djabuti ayaa sheegaya in kulamo gaar gaar ah ay halkaasi ka soconayeen xalay.

                                                  (Riix halkaan)1.6.2008

Dabo-Geed: "waxaa wax lala yaabo leh in Itoobiyaanka inta ciideyda iigu yimaadaan ay iigu hanjabaan in aan isaga baxo"

waxaa wax lala yaabo leh in Itoobiyaanka inta ciideyda iigu yimaadaan ay iigu hanjabaan in aan isaga baxo" sidaasi waxaa yiri Yuusuf Axmed Hagar (Dabo-geed), gudoomiyihii gobolka Hiiraan.

                                                  (Riix halkaan)1.6.2008

Xasan Daahir Aweys: "waan ka tashaneynaa sidii laga yeeli lahaa ragan Jabuuti tagay ee doonaya in shacabka ay iibsadaan, waxaana xilkooda sii heynaya ku xigeenada, inta laga bedelayo"

Anaga horeyna waa u cadeynay, hadana waa cadeyneynaa, nama quseeyo shir ku sheega Jabuuti" sidaasi waxaa yiri Xasan Daahir Aweys oo ah xubnaha isbahaysiga dib u xoreynta ee Asmara.

                                                  (Riix halkaan)1.6.2008

Wafdi Qaramada Midoobay ah oo Berito kulamo la qaadan doona ergooyinka labada dhinac ee Jabuuti ku sugan.

Waxaa beerito la filayaa in ay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ay soo gaaraan wafdi heer sare ah oo Qaramada Midoobay ka socda.

                                                  (Riix halkaan)1.6.2008

Afhayeenka isbahaysiga dib u xoreynta oo rajo ka muujiyay shirka jabuuti ka furmaya.

Sheekh Daahir maxamuud Geele, Afhayeenka isbahaysiga dib u xoreynta dalka eek u sugan Jabuuti ayaa Rajo aad u wanaagsan ka muujiyay shirka

                                                  (Riix halkaan)1.6.2008

Odayaal dhaqameedyo dhex dhexaadin ka dhex wada beelo ku dagaalamay Luuq.

Wararka laga helayo deegaanka Luuq ayaa sheegayo in odayaal dhaqameedyo ay bilaabeen dadaalo ay ku dhex dhexaadinayaan beelo ku dagaalamay halkaasi.

                                                  (Riix halkaan)1.6.2008

Wadada Isku xirta Muqdisho iyo Sh/dhexe oo go’an.
Waxaa go’an wadada isku xirta gobolada Banaadir iyo Sh/Dhexe, kadib markii roobab xoogan ay halkaasi ka da’een.

                                                  (Riix halkaan)1.6.2008

Bam lagu weeraray Ciidamada Dowladda iyo xafada Towfiiq oo kacsan.

Xaafada Towfiiq oo ka tirsan degmada yaaqshiid ayaa kacsan kadib markii weerar lagu qaadey ciidamo ka tirsan kuwa dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliya

                                                  (Riix halkaan)28.5.2008

Waraaqo Saakay lagu daadiyay Baydhabo.

Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in saakay halkaasi lagu daadiyay waraaqo shacabka loogu digayay.

                                                  (Riix halkaan)28.5.2008

Saraakiisha ciidamada Itoobiyaanka oo wadahal la yeeshay Odayaasha G/Sh/Hoose.

Saraakiil ka tirsan saraakiisha ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolka Shabeelaha hoose ayaa wadahadal la qaatay odayaal dhaqmeedka reer Shabeelaha hoose

                                                  (Riix halkaan)28.5.2008

Xubno ka tirsan Isbahaysiga dib u xoreynta oo ka hadlay khilaaf dhexdooda ah.

Xubno ka tirsan isbahaysiga dib u xoreynta dalka Soomaaliya ayaa ka Hadlay kala qeybsanaanta dhinaca fekerka ka dhex jirta isbahaysiga.

                                                  (Riix halkaan)28.5.2008

Ciidamo Itoobiyaan oo rondo ka sameynaya magalada Baladweyne. Qarax iyo iska hor imaad oo Xalay kadhacay Baladwey.

Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa rondo ka sameynaya magaalada Baladweyn, ee xarunta gobolka Hiiraan, xilli dhowaan qarax iyo iska hor imaad is wata uu halkaasi ka dhacay.

                                                  (Riix halkaan)26.5.2008

Madfac aan la aqoon oo xalay ku dhacay Gedo.

Warar laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in Madfac aan la aqoon heebtiisa oo ku dhacay meel ka mid ah gobolka Gedo.

                                              (Riix halkaan)26.5.2008

Sheekh Shariif:“14- xubnood cid ay xil kama jirto, golaha dhamaantiis dhowaan ayay kulan Jabuuti ka dhici doona isugu imaanayaan, waana loo yeeray”

Anaga marna Qadiyadii Soomaalia ee aan qabanay isma bedelin, manalaga bedeli karo, waxaase ceeb ah wararka dadka lagu kicinayo ee sumcad ku ciyaarka ah” sidaasi waxaa yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka mid ah mas’uuliyiinta sar-sare ee isbahaysiga dib u xoreynta dalka.

                                                  (Riix halkaan)26.5.2008

Xubnaha Isbahaysiga dib u xoreynta ee Asmara oo Caawa kulan ka leh Hadalkii Sheekh Shariif.

Warar laga helayo magaalada Asmara ee dalka Ereteriya ayaa sheegaya in laga wado qaban qaabo oo kulan ay xubnaha isbahaysiga dib u xoreynta leeyihiin uu halkaasi ka furmayo.

                                                  (Riix halkaan)26.5.2008

Iska hor imaad goor dhoweyd ka bilowdey deegaanka Huriwaa.

Iska hor imaad ayaa lagu waramayaa in goor dhoweyd uu ka bilowdey deegaanka Huriwaa ee magaalada Muqdisho.

                                                  (Riix halkaan)25.5.2008

Ciidamo Itoobiyaan ah oo saakay saacado xayiray Xildhibaano ku jeeday Baydhabo.

Xildhibaano ka tirsan golaha baarlamaanka federaalka kmg-ka Soomaaliya ayaa saakay lagu xayiray inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

                                                  (Riix halkaan)25.5.2008

Afhayeenka Maxaakiimta oo sheegay in ay la dagaalami doonaan burcad Badeedka.

Afhayeenka golaha maxaakiimta ee u qaabilsan dhinaca dagaalada C/raxiim Ciise Cadoow ayaa sheegay in ay la dagaalami doonaan kooxaha burcad Badeedka ah ee Afduubka u geysta maraakiibta Soomaaliya ku soo jeeda.

                                                  (Riix halkaan)25.5.2008

Ciidamo Itoobiyaan ah oo maalintii labaad howl gal ka wada Baladweyne.

Wararka laga helayo magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan  ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah ay saakay halkaasi howl gal ka wadaan.

                                                  (Riix halkaan)25.5.2008

Gudoomiyaha Sh/Hoose“Anaga dhowr jeer ayaan la hadalnay shaqalaha hay’ada, hada la afduubay, kamana warqabin joogitaankooda gobolka”

Anaga dhowr jeer ayaan la hadalnay shaqalaha hay’ada, hada la afduubay, kamana warqabin joogitaankooda gobolka” sidaasi waxaa yiri gudoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose, C/Qaadir Sheekh Maxamed Nuur.

                                                  (Riix halkaan)22.5.2008

Kooxaha u adeega argagixisada caalamiga ayaa weerar kuqaaday  Xarunta baarlamaanka ee kutaal magaalada Baydhabo Janaay ee xarunta Gobolka Baay.

Wararka laga helayo magaalada Baydhabo oo ah xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in xarunta baarlamaanka uu halkaas ku leeyahay oo xalay weerar lagu qaadey.

                                                  (Riix halkaan)22.5.2008

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo sheegay in Shareecada Islaamka aysan wax ugu maamuli doonin sida Al-Shabaabka iyo kooxaha xagjirka.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baladweyn oo ah xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegay in shareecada Islaamka ay wax kumaalidoonan shareecadaas oo ah mid kafiican nooca ay wax ugu maamuli jiraan Al-Shabaab iyo kooxaha xagjirka oo u adeega jiray argagixisada caalamiga.

                                                  (Riix halkaan)22.5.2008

Wafdi Heer caalami ah oo kasocda Qaramada midoobi oo kusoo fool leh Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay. iyo Ra’iisal wasaaraha Dowladda ayaa lagu wadaa in goordhow uu kadego magaalada Baydhabo.

Wafdi sida la sheegay heer Caalami ah oo kasocda Qaramada midoobi ayaa goor dhow lagu wadaa in ay tagaan magaalada Baydhabo oo ah xarunta gobolka Baay.

                                                   (Riix halkaan)22.5.2008

Maamulka Hiiraan oo shaaciyay in Shareecada Islaamka ay wax ku maamuli doonaan.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa daboolka ka qaadey in ay wax ku maamuli doonaan shareecada Islaamka, kadib markii ay kulan la qaateen ganacsatada reer Hiiraan.

                                                  (Riix halkaan)21.5.2008

Baydhabo oo xalay Bandoow ku hoyatay.

Magaalada Baydhabo oo ah xarunta gobolka Baay waxa ay xalay gashay Bandoow, kadib markii qarax halkaasi uu ka dhacay.

                                                  (Riix halkaan)21.5.2008

Kooxo Hubeysan oo goor dhoweyd Wadajir nin ku dilay.

Kooxo Bistoolado ku hubeysan ayaa goor dhoweyd nin ku dilay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, sida ay dadka deegaanka xaqiijiyeen.

                                                  (Riix halkaan)21.5.2008

Maamulka Sh/Hoose oo shaaciyay in ay dabo joogaan kooxo afduub ka geystay Aw-dheegle.

Maamulka gobolka SHabeelaha hoose, gaar ahaan ka degmada Afgooye ayaa goor dhoweyd shaaciyay in ay daba joogaan kooxo Afduubayaal ah oo xalay Awdheegle ka watay shaqaale hay’ad samo fal la shaqeynayay.

                                                  (Riix halkaan)21.5.2008

Madaafiic lagu weeraray goor dhoweyd warshadii Baastada iyo Jawaab celin Itoobiyaanka ay sameeyeen.

Madaafiic dhowr ah oo ay ridayeen kooxaha ka horjeeda dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed ayaa goor dhoweyd lagu garaacay warshadii hore ee baastada oo ay degen yihiin ciidamo Itoobiyaan ah.

                                                  (Riix halkaan)20.5.2008

Ugaas Maxamed Weli oo goor dhoweyd shir jaraa’id ku qabtay Baardheere.

Ugaas Maxamed Weli oo ka mid ah mas’uuliyiinta isbahaysiga dib u xoreynta dalka ayaa goor dhoweyd shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baardheere oo gobolka GEdo ka tirsan.

                                                  (Riix halkaan)20.5.2008

Dabo-Geed: “Dadkaanu Xisbigii naga Soo hor jeeday ayeey ka mid yihiin anagaana Cadeeyn u heeyno hadii wax la inaga weeydiiyo waayo shalay ayeey afkooda ka cadeeyeen in ay xiriir leeyihiin Al shabaab oo ay la heshiinayaan”

Cid iga qaadi karta ma jirto xilka gudoomiyaha, Madaxweynaha ayaa igu yiri gudoomiyihii sharciga ahaa waa adiga, cid kaa qaadeysana ma jirto, waxaana ku magacaabanahay wareegtada madaxweynaha” sidaasi waxaa yiri gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan.

                                                  (Riix halkaan)20.5.2008

Cumar Xaashi:” Duulaan kuma nihin KIsmaayo”

Cumar Xaashi oo ah xog-haya isbahaysiga dib u xoreynta ee lagu aas-aasey magaalada Asmara ee Ereteriya ayaa sheegay in uusan jirin ilaa iyo hadda qorshe ay isbahaysigooda ku weerarayaan magaalada Kismaayo.

                                                  (Riix halkaan)20.5.2008

Ciidanka Dowladda iyo kuwa Itoobiyaanka oo saakay howlgal  kasameynaya Muqdisho.

Ciidamada dowlada Itoobiya ayaa saakay howl gal ka bilaabay meelo ka mid ah magaalada Muqdisho, xilli ay madaafiic lagu tuurey gobo ay degenaayeen.

                                                  (Riix halkaan)20.5.2008

Iska hor imaadiminka  ka socda suuqa Dayax.

Iska hor imaad la sheegay in la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa iminka ka soconaya suuqa Dayax ee magaalada Muqdisho, sida goob joogayaal ay xaqijiyeen.

                                                  (Riix halkaan)19.5.2008