HOME

MAQAALO

SHEEKO

QUR'AN

 







Aflax

Boqolsoon
Al-Taqwaa
Islamweb
Islamway
 
 
 









 

Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamanka Soomaaliya Boqore oo ka hadlay lacagta Sudan ay Somalia u daabici doonto


Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamanka Soomaaliya Cismaan Cilmi Boqore uu u waramayay warbaahinta gudaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa uu ka hadlay hadal dhawan ka soo yeeray wasiirka maaliyada Soomaaliya Mudane Sharif Xasan Shiikh Aadan kaasi oo ku aadanaa in dhawaan labada dowladood ee Somaliya iyo Sudan ku hishiiyiin in soomaliya lacag cusub loo sameeyo .

''Majiraan ilaa iyo haatan cid si rasmi ah ugu wargelisay baarlamanka balse xaqiiqada jirtaa waxay tahay in aanu ka maqalnay idaacadaha oo keliya” Sidaasi waxaa yiri Cismaan Cilmi Boqore oo ka hadlayay hishiiska ay Sudan iyo Soomaalia wada gaareen.

Waxuuna sidoo kale intaasi ku daray in sharikado arintasi u xilsaaran in ay yihiin ay jiraan waxaana uu sheegay arintaan hadii ay an sixiyaan golaha wasiirada marwalba la horkeeni doono Baarlamanka kana fariisan doono.

Gudoomiye ku xigeenka hadalkiisan ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili maalmihii ugu dambeeyay la hadal hayay in lacago cusub lagu soo daabici doono dalka Turki-ga taasi oo lagu bedeli doono tan haatan la isticmaalo.

 


webmaster@arlaadii.net
Copyright © 2009 Arlaadii Online