Dagaalo xoogan oo  galabta ka dhacay  Magaalada Muqdisho agagaarka Asluubta.

Dagaalo xoogan ayaa galabta ciidamada dowladda KMG iyo Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab waxa uu dagaalkaasi ka dhacay agagaarka Xeradii Asluubta ee Magaalada Muqdisho iyadoona dagaalkaasi ay guulo ka sheegteen Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.

 

Dagaalka oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa galabta Salaadii Casar kadib waxaa uu ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Sarkuusta iyo Xaruntii ciidanka Asluubta ee duleedka koofureed ee Magalada Muqdisho.

 

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii Saraakiil katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ay sheegeen in ay weerar ku qaadeen goobo ay kaga sugnaayeen ciidamada dowladda deegaanka Sarkuusta ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaana xiligaasi kadib uu dagaalku noqday mid balaaran oo labada dhinac ay isweydaarsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan.

 

webmaster@arlaadii.net
Copyright © 2009 Arlaadii Online