Duqayn ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Hoobiyayaal iyo madaafiic ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa ugu yaraan sadex qof ku dhintay lix kalana way ku dhaawacmayn.

Madaafiicda noocyada kala duwan oo ay ku jiraan hoobiyayaal, ayaa xalay ay is waydaarsadeen kooxaha islaamayiinta mucaaradka iyo ciidamada midowga Africa ee ilaalada ka haya wadada Maka Al-mukarama.

Wararka ayaa sheegaya in xalay meelo kala duwan oo magaalada muqdisho laga maqlayay in hub culculus oo la isku ridayo walow ay goos goos tahay duqeynta.

Laakiin duqaynta ayaa sababtay qasaaro badan, balse aan faahfaahin badan laga haynin maadaama ay adkayd in xog dhab ah laga helo, iyadoo duqaynta ay dhacaysay xilli habeen ah.

 

webmaster@arlaadii.net
Copyright © 2009 Arlaadii Online