|
Oo looga shakiyay inay ka
mid ahaayeen burcad badeedda Soomaalida.
Wararka ayaa sheegaya in
ay Dowladda Holland ay sii daayeen raggaasi marka ay waayeen
dal ogolaada in maxkamad lagu saaro.
Isla markaana ay
suurtagal ahayn in ay sii hayaan raggaasi.
Kooxdan Soomaalida ah oo
ay qabteen ciidamada Holland laba toddobaad ka hor ayaa waxaa
lagu hayay markab kuwa dagaalka ah korkiisa.
Waxaa looga shakiyay
inay doonayeen inay weeraraan markab marayay gacanka Cadmeed.
Dowladda Holland ayaa
raggaasi ku celisay doonyahoodii agagaaraha xeebta Soomaaliya
iyadoo la sii siiyay xoogaa cunto ah iyo shidaal.
|