Dab maanta ka kacay agagaarka Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.


Dabkaasi ayaa muddo saacado ah ka socday geerashyo shidaalka lagu keydiyo oo ku yaala isgoyska Soobe.

Wararka ayaa sheegaya in uu maanta duhurnimadii qabsaday garaashyo ku yaala Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Dabka ayaa aad u xooganaa kaasi oo sababay qasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed intaba.

Haamo waa weyn iyo fuustooyin gaaraya boqolaalo oo uu shidaal ka jiray kuwaasoo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed, waxaana ku dhintay dabkaasi hal ruux halka tiro kale ay ku dhaawacmeen.

Dowladda KMG Soomaaliya iyo AMISOM ayaa maanta waxa ay si iskumid ah uga hadleen Dabkii ka kacay agagaarka Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka arimaha gudaha dowladda KMG Soomaaliya oo galabta shir jaraa’iid ku qabtay halka uu maanta dabka ka kacay waxa uu sheegay in uu ka xunyahay hantida maanta halkaasi ku bur burtay.

 

webmaster@arlaadii.net
Copyright © 2009 Arlaadii Online