Dowlada France iyo Dowlada Spain ayaa ku baaqeen in
laqabto shir looga hadlayo arimaha wadanka
Soomaaliya iyo arimaha Burcad badeeda.
sida wararka ay sheegayaa ra’iisul wasaaraha wadanka
Spain Jose Luis ayaa maanta jaraaidka uu u sheegay
in wadanka Spain iyo wadanka france ay soo
jeedinayaan in shir looga hadlayo arimaha
Soomaaliya laqabto.
madaxweynaha wadanka France Nicolas Sarkozy
ayaa sheegay in ay isku raacsan yihiin in la qabto
shir looga hadlayo arimaha Soomaaliya.
Jose Luis waxa uu intaasi raaciyey in shirkaani
loogu hadlidoona si looga bixin lahaa dhibaatada
Soomaaliya ka jiraan sida xagga Amaanka iyo dhanka
Militariga si wax looga qabto Burcad badeeda taasoo
saamayn ku yeelanaysa Wadanka france iyo wadanka
Spain iyo wadamo kale.
Jose Luis wuxuu tilmaamay shirka ay soo jeediyeen uu
noqon doono mid dhamaystiran kana hadlayo
dhibaatooyinka siyaasadeed iyo kuwa xagga Amaanka ah
ee ka jira dalka Soomaaliya taasoo uu sheegay in ay
noqonayso mid wax looga qabto dhibaatooyinkaasi.