Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Puntland oo caawa fiidkii ka bad baaday qarax lagula eegtay.

Wararka ayaa sheegaya in ay Magaalada Garoowe ee caasimada maamul goboleedka Puntland uu caawa fiidkii qarax Miino ka dhacay kaasoo sababay qasaaro uu ka badbaaday gudoomiyaha Baarlamaanka ee maamulka Puntland C/rashiid Maxamed Xirsi.

 

Qaraxa ayaa ahaa miinada dhulka lagu aaso lagana hago Rumuud Kontaroolka ayaa waxaa lala eegtay Gaari uu watay gudoomiyaha Baarlamaanka xilli uu ku socday gurigiisa sida ay sheegayaan wararka.

 

Sida wararka ay sheegayaa 1-askari ayaa ku geeryooday mid kalana waa uu ku dhaawacmay qaraxaasi miino, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay markiiba soo gaaray Ciidamo

Katirsan kuwa amaanka ee maamul goboleedka Puntland kuwaasi oo markiiba rasaas ku kala eryay dadkii ku suganaa agagaarka uu qaraxu ka dhacay.

 

Macada ilaa iyo hadda qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxaasi marka laga reebo Askari geeryooday iyo mid kalana uu ku dhaawacmay , waxaana uu qaraxani qeyb kayahay qaraxyo iyo dilal xiriir ah oo maalmihii ugu danbeeyay ka dhacayay deeganada maamul goboleedka Puntland.

 

 

 

webmaster@arlaadii.net
Copyright © 2009 Arlaadii Online